EPL: Liverpool oo guul ku soo xirtay sanadka 2016, kaddib markii ay garaacday kooxda Man City, degtayna kaalinta labaad ee horyaalka… + SAWIRRO

(Liverpool) 31 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul dahabi ah kaga gaartay Manchester City oo ay soo dhowaysay, waxaana ay soo gashay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa 1-0 ku garaacday kooxda tababare Pep Guardiola, waxaana goolkaasi madiga ah qeybtii hore ee ciyaarta madax ugu dhaliyey 8’daqiiqo Georginio Wijnaldum, kaddib karoos uu ka helay saaxiibkiis Adam Lallana.

Waxaana ay Liverpool oo guul ku soo xirtay sanadka 2016, iyadoo guushaan ay ku hoggaamisay in ay ku soo laabato kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 43-dhibcood, 19 kulan oo ay ciyaartay.

SAWIRRO:

c1b0aqdweau8sld

c1b0aqgxaaa5prm

c1b0arjxgaiqggz

c1bk-5fxaaazjev

c1bk-5gweaeipea

c1bk-6fw8aa5a0i

c1bwzk2wqaaf4gb

c1bz9kzwqaa1qha

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close