Cesc Fabregas oo Rikoor Cusub ka dhigay Premier League

(London) 31 Dis 2016 Kubadd sameeyaha reer Spain ee kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa rikoor cusub ka dhigay horyaalka ingiriiska kadib markii uu laba caawin sameeyay kulanka Stoke City.

Cesc Fabregas ayaa noqday laacibka 4-aad ee ugu caawinta badan taariikhda Premier League kadib markii uu caawa sameeyay caawintiisii 100-aad ee Premier League.

Sidoo kale kubadd sameeyaha reer Spain ayaa noqday laacibka kulamada ugu yar ku gaaray 100-caawin, isaga oo intaas oo caawin ku sameeyay kaliya 293 kulan oo uu ka soo muuqday Premier League.

Giggs oo ah laacibka ugu caawinta badan taariikhda Premier League ayaa ku jira booska labaad ee ciyaaryahanka kulamada ugu yar ku gaaray 100-caawin.

Fabregas ayaa 100-caawin ku gaaray 293 kulan oo uu ka soo muuqday Premier League, Giggs ayaa ku gaaray caawinta 100-aad 367 kulan, Rooney ayaa ku gaaray 445 kulan, halka Lampard uu ku gaaray 559 kulan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close