AC Milan oo lagu haysto Gerard Deulofeu

(Milano) 31 Dis 2016Waxaa beryahan suuqa ku jirtey in AC Milan ay qarka u saaran tahay helitaan garab-weerarka Deulofeu, balse waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya inay laacibka ku haystaan kooxaha Deportivo La Coruna iyo Las Palmas oo wada raadinaya garabka Everton ee Gerard Deulofeu.

AC Milan ayaa wada xaajoodka bilowday iyadoo filaysa inay ku guulaysato, yeelkeede waxaa nafta ku dhibaya kooxaha Deportivo La Coruna iyo Las Palmas oo wada xiisaynaya adeegga Deulofeu lixda bilood ee soo aaddan.

Sida ku dhigan SportItalia, Everton ayaa kaliya sugaysa helitaanka bidaalkii 22-jirkan Barca kusoo barbaaray, waxayna tani fursad siinaysaa kooxaha kale ee laga yaabo inay laacibkan ku qabsadaan AC Milan.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close