Real Madrid oo dhaawacyo hor leh wajaheysa

madrid

(Madrid) 30 Dis 2016. Zidane ayaa wajahaya jah wareer cusub oo dhanka dhaawacyada kooxdiisa sanadka cusub ee 2017.

Waxaa la soo warinayaa inay dhaawacyo soo gaareen Lucas Vazquez iyo Mateo Kovacic kuwaa oo lagu wado inay garoomada ka maqnaadaan labo ilaa afarta usbuuc ee soo socota.

Labada laacib ayaa dowr fiican uga ciyaarayay macallinka reer Faransa siyaasadiisa dhanka isku shaan-dheynta kooxda, Vazquez ayaana buuxinayay booska Gareth Bale kaa oo sidoo kale dhaawac waqti dheer ah ku maqan.

http://e00-marca.uecdn.es/assets/multimedia/imagenes/2016/12/29/

Waxaa lagu wadaa inay garoomada ka maqnaadaan kulanka Copa del Ray ay la yeelan doonaan Sevilla iyo laga yaabee kulamada yar ee xiga horyaaalka La Liga.

Lucas Vazquez ayaa dhaawac ka gaaray kubka lugta midig kulankii Finalka ee koobka kooxaha adduunka halka Mateo Kovacic uu ka dhaawacan yahay canqowga lugta bidix.

Maalmaha soo socda ayaa la marsiin doonaa tijaabooyin dheeri ah, inkastoo ay u muuqato inay hubanti tahay inay seegi doonaan kulamada yar ee ugu horreeya sanadka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close