Lionel Messi oo loo doortay kubbad qaabeeyaha ugu fiican 2016…(Kaalintee ku jiraan Ozil iyo xarfaanta kale?)

cod

(Europe) 30 Dis 2016. Xiriirka caalamiga ee taarikhda kubbada cagta iyo tiko-koobkeeda ee (IFFHS) ayaa soo saaray liiska kubbad qaabeeyayaasha ugu fiican sanadka sii anbanaya ee 2016.

Lionel Messi ayaa loo gacan galiyay abaal marintan kaddib markii uu helay cododka ugu badan, waana in 4-cod dheer codadkii uu helay isla sanadkii la soo dhaafay.

Labaad waxaa soo galay Iniesta, Toni Kroos ayaa 3-aad xirtay halka xiddiga Arsenal ee Mesut Ozil uu galay kaalinta afaraad.

Image result for Messi best playmaker

Laacibka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ee Paul Pogba ayaa liiskan uga jira kaalinta 8-aad halka Eden Hazard uu 9-aad ku jiro.

Abaal marintan waxaa markii ugu horreysay ee la aas-aasay ku guuleystay tababaraha iminka ee Real Madrid Zinedine Zidane waxayna ahayd sanadkii 2006, Kaka ayaa ku guuleystay sanadkii xigay ee 2007.

Wixiii markaa ka dambeeyay waxaa abaal marintan xoog ku heystay xiddigaha Barca ee Iniesta iyo Xavi, balse Toni Kroos ayaa ku guuleystay sanadkii 2014.

Haddab EEG LIISKA 10-ka heshay codadka ugu badan:

  1. Messi (Barcelona) 172 puntos.
  2. Iniesta (Barcelona) 66
  3. Kroos (Real Madrid) 45
  4. Özil (Arsenal) 39
  5. Mahrez (Leicester) 36
  6. Modric (Real Madrid) 36
  7. De Bruyne (Manchester City) 31
  8. Pogba (Manchester United) 26
  9. Hazard (Chelsea) 14
  10. Payet (West Ham) 8

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close