CAJIIB: Guulihii uu gaaray N’golo Kante tan iyo 2015 haddii dhibco ahaan loo beddelo waxay ka sarreeyaan dhammaan kooxaha Ingiriiska

2d511fc82c88c3513d3ad21f05eef1b0_crop_north

(London), 30 Dis 2016   –Haddii aan wax yar dhinaca xisaabta aadno Laacibka Khadka Dhexe ee kooxda Chelsea N’golo Kante ayaa tan iyo 2015/2016 waxa urursaday dhibco gaaraya 123, taas oo ka badan dhibcihii ay heleen dhammaan kooxaha Premier League Ingiriiska xilligaasi.

Kante oo Horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii hore la qaaday Leicester City ayaa guuleystay 54 kulan, isla markaana barbar dhac galay 12 jeer, waxaana uu helay 123 dhibcood, halka Arsenal oo ku soo xigtay ay heshay 108 dhibcood, Tottenham 106 dhibcood iyo Manchester City 105 dhibcood.

Kante oo 25 jir ah una dheela Faransiiska ayaa laga guuleystay oo keliya 5 jeer, waxaana xilli ciyaareedkan naadiga uu u soo wareegay ee Chelsea ay hoggaanka u haysaa Horyaalka Ingiriiska.

 

kantee

Haddii sida kala sarreynta kooxaha loo sameeyo dhibcihii uu heley Kante.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close