Guriga Carlos Tevez oo loo dhacay xilli uu u dabaal degayay xafladda AROOSKIISA!!

tevez

(Argentina) 29 Dis 2016. Dhaliyihii hore ee Man United, Man City iyo Juventus Carlos Tevez ayaa loo dhacay gurigiisa ku yaala Buenos Aires ee dalka Argentina xilli uu u dabaal degayay xafladiisa arooska.

Tevez ayaa khamiistii la soo dhaafay guursaday Vanesa Mansilla ee ah hooyada saddexdiisa caruur.

Xaflada aqal galkiisa ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 200 oo marti sharaf.

Carlos Tevez Shanghai Shenhua

Laakiin Tevez ayaa markii uu dib ugu soo laabtay hoygiisa maalinkii axada ayaa ogaaday in loo dhacay.

Weli lama sheegin inta ay la eg yihiin waxa laga dhacay iyo waxa ay yihiin intaba, iyadoo sidoo kale uusan laacibka weli cabasho u gudbin Booliska.

Haseyeeshee, Tevez ayaa malaha waxba u arki doonin waxa laga dhacay maadaama uu dhawaan si rasmi ah ugu biiray kooxda Shanghai Shenhua ee dalka Shiinaha isagoona noqday laacibka ugu mushaarka badan kubbada cagta adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close