Carlos Tevez oo noqday Xidigga ugu Mushaarka badan Caalamka

c0zw-yw8aqnc1u

(Shanghai), 29 Dis 2016   –Weeraryahankii kooxda Boco Juniors ee Waddanka Argentina Carlos Tevez ayaa ku biiray kooxda Shanghai Shenhua ee waddanka Shiinaha oo kula soo wareegtay 10 Milyan oo Dollar.

Carlitos oo 32 jir ah ayaa heshiis 2 sanadood ah u saxiixay Shanghai oo mushaar ahaan sanadkii u siin doonta 40 Milyan oo Dollar (38 Milyan oo Euros), taasoo micneheedu yahay in 2 sanadood uu jeebka ku shuban doono 80 Milyan oo Dollar.

Wakaaladda wararka ‘AFP’ ayaa xaqiijisay in Tevez laga bilaabo saacaddaan uu noqonayo laacibka ugu Mushaarka badan Caalamka Kubadda Cagta, isagoo ka sare maray Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close