Barcelona oo dajisay qorshe ay heshiis cusub uga saxiixayso 5-kamid ah ciyaartoydeeda

خمسة أسماء على قائمة التجديد في برشلونة

(Barcelona) 29 Dis 2016 Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid u soo jeesatay inay waqti badan haysato ciyaartoydeeda ugu muhiimsan, waxayna dajiyeen qorshe ay heshiiska ugu kordhinayaan ilaa 5-laacib.

Barcelona ayaa ku guulaysatay qorshe uu dajiyay madaxwaynaha kooxda sanadkaan sii dhamaanaya ee 2016, waxayna ku guulaysteen inay heshiis cusub ka saxiixaan Javier Mascherano, Sergio Busquets, Neymar iyo Suarez.

Maamulka kooxda ayaa beegsanaya 2017 inay heshiis cusub ka saxiixaan Lionel Messi, Andres Iniesta, Luis Enrique, Ivan Rakitic iyo goolhaye Ter Stegen.

Kooxda ayaa la filayaa in goor dhaw ay shaaciso heshiis kordhinta goolhayaha reer Jarmal ee Marc-Andre Ter Stegen waxayna la gaareen heshiis horudhac ah.

Laakiin wargayska ayaa sheegay in heshiis kordhinta ciyaartoyda kale uu maamulku kala kulmi doono culays xoog leh maadama ay doonayaan dhaqaalo xoog leh.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close