Arsenal oo helaysa war fiican ka hor kulanka Crystal Palace

Photo published for Team news: Who’s back to face Palace?

(London) 29 Dis 2016 Kooxda Arsenal ayaa helaysa war fiican ka hor kulanka ay marti qaadi doonta kooxda Crystal Palace 1-da janaayo ee sanadka cusub.

Tababare Wenger ayaa xaqiijiyay in daafaca reer Jarmal ee Shkodran Mustafi uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxda isla markaana uu diyaar u yahay kulanka axada.

Sidoo kale Wenger ayaa sheegay in Welbeck uu sifiican uga qayb qaadanayo tababarka kooxda laakiin wuxuu intaa ku daray inuu u baahanyahay waqti si uu garoonka ugu soo galo kooxda.

Wenger ayaa intaa ku daray in Walcott iyo Gibbs ay seegi doonaan kulanka Palace, wuxuuna hoos u dhigay qatarta dhaawicii Gibbs ka soo gaaray kulankii West Brom.

Tababaraha reer France ayaa dhanka kale shaaciyay in Chamberlain uu dib ugu soo laabanayo tababarka kooxda sabtiga kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawicii soo gaaray.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close