Wakiilka Martial oo xaqiijiyay inay ka fikirayaan dalabka Sevilla

وكيله: مارسيال يدرس عرض "إشبيلية"!

(Manchester) 28 Dis 2016 Weerar yahanka kooxda Manchester United ee Anthony Martial ayaa u muuqda mid qorshaynaya ka tagista kooxdiisa suuqa kala iibsiga ee janaayo.

Xiddiga reer France ayaa ku dhibtoonaya inuu boos joogto ah ka helo kooxdiisa xiliciyaareed kan, wuxuuna dalab ka helayaa kooxda Sevilla oo amaah ku doonaysa.

Mail ayaa daaha ka qaaday in tababare Jose Mourinho uusan diyaar u ahayn in kooxdiisu ay iska fasaxdo 21 jirka reer France.

Image result for anthony martial and Mourinho

Balse wakiilka laacibka ayaa xaqiijiyay inay ka fikirayaan dalabka Sevilla taas ayaana shaki sii galisay mustaqbalka Anthony Martial ee kooxda Man United.

“Xaqiiqdii waan ka fikiraynaa dalabka Sevilla, waa koox aad u fiican, xaaladeeda horyaalka Spain waa mid fiican, sidoo kale waxay ciyaarayaan Champions League waxayna leeyihiin tababare wayn, intaas oo kaliya ayaan dhihi karaa waqti xaadirkaan” ayuu yiri wakiilka Anthony Martial.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close