Sigaarka oo weli dhibaato ku ah Xirfadda Kubadda Cagta (Yaa kale oo lagu helay sigaar cabis?)

Griezmann oo Shiishad Cabaya

(Paris), 28 Dis  2016    –Sigaar Cabista ayaa weli ka mid ah arrimaha ka hor imaanaya Kubadda Cagta, tusaale ahaan haddii ciyaaryahan kubadda dheela lagu helo isagoo la dhuumanaya xabad Sigaar ah waxa ay mugdi gelinaysaa waayihiisa ciyaareed, isagoo ganaax kala kulmaya kooxda uu u ciyaaro iyo xiriirrada ay hoos tagaan.

Waxaa sidoo kale dhimanaysa sumcaddiisa iyadoo haddii ay jiraan shirkado heshiis kula jiray laacibkaasi oo uu xayaysiin u samayn jirayna uu xiriirkoodu xumaanayo.

Laacibkii hore ee Faransiiska Raymond Kopa ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda sumcaddooda uu saameeyay Sigaarka kaddib markii 1961′ uu ku soo baxay xayaysiinta Sigaarka ‘Camel’ waxaana lagu soo sawiray isagoo sigaar dhuuqaya korkiisana lagu qoray ‘La vraie cigarette des vrais fumeurs’ – ‘Sigaarka runta ah ee Sigaar cabayaasha Dhabta ah’.

Dhowaan ayay ahayd markii Ciyaaryahanka Faransiiska ah ee ku guuleystay Gool dhalinta Koobkii Qarammada Yurub 2016, Atoine Griezmann uu soo bandhigay sawir isagoo Shiishad Cabaya, taas oo warbaahintuna ay sii falanqeeyeen oo ay gaartay illaa heer hadal heyntiisu ku badato Shaarica Faransiiska.

Fabian Barthez Goolhayihii hore ee xulka Faransiiska iyo Manchester United ayaa ka mid ahaa ragga lagu xasuusto Balwadda Sigaarka, taas oo qayb ka ahayd inuu hoos u dhaco waayihiisa kubadda cagta illaa 2006/2007 uu ka fariistay ciyaaraha.

Khubarada Falanqeeya Kubadda Cagta ayaa tilmaamaya in ay jiraan ciyaartooy iyo Tababareyaal fara badan oo caba Sigaarka hase yeeshee la dhuunta si aysan u dhibaateyn waayahooda ciyaareed, waxaana xidigaha la arkay iyagoo gacanta ku sita sigaar ama cabayaba ka tilmaami karnaa; Ashley Cole, Mario Balotelli, Berbatov, Ronaldo de Lima, Roberto Carlos, Wayne Rooney, Wilshere, Kevin Boateng, Sneijder iyo qaar kale.

Gool FM

Image result for Footballers cigarette

Ashley Cole

Image result for Footballers cigarette

Balotelli

Image result for Footballers cigarette

Berbatov

Related image

Roberto Carlos

Related image

Ronaldo de Lima

Image result for Footballers cigarette

Wilshere

Image result for barthez smoke

Barthez

Griezmann oo Shiishad Cabaya

Griezmann

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close