SAWIRRO: Sidee loogu kala guuleystay abaal marinnada  Globe Soccer Awards??…(Ronaldo oo markale la caleemo saaray)

golob

(Dubai) 28 Dis 2016. Waxaa la bixiyay abaal marinnada Globe Soccer Awards ee sanadlaha ah, iyadoo Ronaldo loo doortay laacibka sanadka ee 2016.

Sidoo kale waxaa la bixiyay abaal marinta, garsooraha ugu fiican, Wakiilka ugu fiican, macallinka ugu fiican, laacibka carbeed ee ugu fiican, laacibka ugu fiican wadamada Khaliijka, Laacibka ugu fiican Shiinaha,  Madaxwaynaha ugu fiican kubbada cagta, kooxdii ugu fiicnayd iyo abaal marino kale oo badan.

Haddaba abaal marrinnada ayaa loogu kala guuleystay sidan:

Ronaldo laacibka sanadka ee 2016: Inkastuu xalfada joogin misane wuxuu uga soo qeyb qaatay si Muuqaal ah, wuxuu abaal marinta ku garaacay Lionel Messi, Antoine Griezmann, Gareth Bale, Jamie Vardy iyo Gonzalo Higuain.

Image may contain: 3 people, night

Macallinka Sanadka: Waxaa loo doortay Fernando Santos oo u suuro galiyay Portugal Euro 2016, wuxuu ku garaacay Zinedine Zidane, Claudio Ranieri, Unai Emery iyo Massimiliano Allegri.

Image may contain: one or more people and text

Tababare Unai Emery ee iminka hor kaca PSG ayaa sidoo kale la guddoonsiyay abaal marin gaar ah kaddib saddex Europe  League oo xiriir ah uu la qaaday Seville.

Image may contain: 2 people, people standing, suit and text

Garsooraha Sanadka: Waxaa loo doortay Mark Clattenburg wuxuuna ku garaacay Nestor Pitana, Alireza Faghani, Joel Antonio Aguilar iyo Bakary Papa Gassam.

Kooxda Sanadka: Waxaa loo doortay Real Madrid waxay kaga adkaatay Sevilla, Leicester, Legia Warsaw iyo Molde.

No automatic alt text available.

Kooxda sanadka ee dalalka Khaliijka: Al-Hilal  ayaa ku guuleysatay oo ku garaacday Al Ain, iyo Al-Rayyan.

Image may contain: text

Madaxwaynaha ugu fiican kubbada cagta adduunka: Waxaa loo doortay Florentino Perez ee hogaamiya Real Madrid.

Image may contain: 2 people, people standing and text

Wakiilka ugu fiican kubbada cagta: Waxaa ku guuleystay Mino Raiola oo kaga adkaaday Jorge Mendes, Jonathan Barnett, Giovanni Branchini iyo Paul Martin.

Image may contain: one or more people, night, crowd and indoor

Laacibka ugu fiican Carabta: Waxaa loo doortay Mohammed Salah laacibkii hore ee Chelsea ee iminka u safta Roma wuxuuna ku garaacay abaal marinta Riyad Mahrez iyo  Medhi Benatia.

Image may contain: 3 people, people standing, suit and text

Laacibka ugu fiican dalalka Khaliijka Carabta: Waxaa ku guuleystay Omar Abdulrahman oo ku garaacay Yasser Al-Sharani iyo Ali Al-Habsi.

Laacibka ugu fiican Shiinaha: Waxaa loo doortay Zheng Zhi, wuxuuna ka qaaday Cao Yunding iyo Feng Xiaoting.

Image may contain: 1 person, on stage, concert and night

Sanadkii la soo dhaafay Barcelona ayaa xaabsatay abaal marinnada, Messi ayaa noqday laacibka sanadka, Barcelona waxaa loo doortay kooxda sanadka halka Madaxwanaha sanadka uu noqday Josep Maria Bartomeu, sidoo kale warbaahinta ugu fiican ayay ku guuleysteen.

Waxaa kuu soo ururiyay: Abdisamed Mohamed Hassan. (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close