Dhibaato soo wajahday heshiiskii Jese Rodriguez uu ugu biiri lahaa Las Palmas

(Paris) 28 Dis 2016 Weerar yahanka kooxda PSG ee Jese Rodriguez ayaa ku dhawaa inuu ku biiro kooxda Las Palmas ee dalka Spain kadib markii uu ku fashilmay la qabsiga horyaalka faransiiska.

Madaxwaynaha kooxda Las Palmas ayaa sheegay in kooxdiisu aysan la soo wareegi karin weerar yahankii hore ee Real Madrid maadama aysan bixin karin mushaarkiisa.

Wuxuuna intaa ku daray inuu diirada u saaranyahay kooxaha Liverpool, Milan iyo Roma, taas ayaana dhibaato ku ah heshiiskii la filayay in Jese uu dib ugu laabto horyaalka Spain.

jese

“Jese wuxuu doonayaa inuu ku soo biiro Las Palmas, laakiin mushaarkiisa ayaa qaali ah, mana awoodno inaan la soo wareegno” ayuu yiri madaxwaynaha Las Palmas.

“Waxaa jira kooxo badan oo ka dhisan yurub oo doonaya saxiixiisa kuwaas oo diyaar u ah inay bixiyaan mushaarkiisa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close