Barcelona, Real Madrid iyo Man City oo isku haysta saxiixa Julian Weigl

Image result for julian weigl

(Dortmund) 28 Dis 2016 Kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub ayaa isku haysta saxiixa kubadd joojiyaha Borussia Dortmund ee Julian Weigl.

Wargayska Sport ayaa baahiyay in Barcelona, Real Madrid iyo Manchester City ay ku dagaalami doonaan soo xerogalinta 21 jirka xulka Jarmalka iyo kooxda Borussia Dortmund.

Agaasimaha dhanka ciyaaraha ee kooxda Barcelona ayaa u arka Julian Weigl inuu yahay badalka ku haboon Sergio Busquets kaas oo haatan ah 28 jir.

Image result for julian weigl

Julian Weigl ayaa xili dhaw qalinka ugu duugay kooxdiisa Borussia Dortmund heshiis waqti dheer ah kaas oo ku eg ilaa June 2021.

Dortmund ayaa la soo wareegtay Julian Weigl 2-xiliciyaareed ka hor markaas oo uu 2-milyan oo euro uu uga soo dhaqaaqay kooxda 1860 Munich.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close