“Waan daraaseeyay Messi iyo Ronaldo si aysan ii qaldin” – Garsoore Nicola Rizzoli

Image result for ‫نيكولا ريتزولي‬‎

(Dubai) 27 Dis 2016 Garsooraha caanka ah ee dalka talyaaniga Nicola Rizzoli ayaa ka hadlay waxa looga baahanyahay garsooraha si uu u noqdo mid xirfadle ah.

Nicola Rizzoli ayaa sheegay in garsooraha looga baahanyahay inuu yahay marwalba mid taagan booska saxda ah ee uu ka arki karo waxa dhacaya.

45 jirkaan ayaa si gooni ah u tilmaamay xirfada Messi iyo Ronaldo, wuxuuna cadeeyay inuu waqti badan ku bixiyay sidii uu u fahmi lahaa habka ugu haboon ee uu uga hortagi karo inay qaldaan.

Image result for Nicola Rizzoli and Ronaldo

“Garsooruhu waa inuu daraaseeyaa booska ugu haboon ee gudaha garoonka, isaga oo adeegsanaya aqoontiisa ku aadan dhaqdhaqaaqa ciyaartoyda iyo taatikada tababareyaasha” ayuu yiri Nicola Rizzoli.

“Way kugu filantahay inaad barato ciyaartoyda sida Messi iyo Ronaldo, haddii aadan garanayn xirfadooda iyo qaabkooda waxaad ku dhacaysaa dhibaato, waxaa wax wanaagsan ah inaad taqaano dhaqdhaqaaqa ciyaartoyda iyo kooxaha si aad uga istaagto booska ku haboon”.

Image result for Nicola Rizzoli and Ronaldo

“Tusaale ahaan Barcelona kubadda ayeey isku dhiidhiibaan, garsooruhu diyaar uma ahan waxa ay samaynayaan, wuxuuna naftiisa waydiinayaa, maxay sidaan dhan kubadda isugu baasayaan? laakiin jawaabta ayaa ah inay raadinayaa ka dhex dusid iyo qalad lagu galo, waana taas meesha looga baahanyahay garsooruhu inuu marwalba diyaar u ahaado”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close