RASMI: Diego Simeone oo ku guuleystay abaal-marinta tababaraha sanadka

14828326688745

(Madrid) 27 Dis 2016 – Macallinka kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa markii ugu horreysay taariikhdiisa ku guuleystay abaal-marinta tababaraha ugu fiican sanadka ee ay bixiso Xarunta Taariikhaha iyo Tirakoobka Kubadda Cagta Spain ee International Federation of Football History and Statistics oo loo gaabiyo (IFFHS).

Tababarahan reer Argentina oo 46 sano jir ah ayaa abaal-marintan ku garaacay macallimiin badan oo ay ku jiraan kan kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane oo sanadkan ku hoggaamiyey Champions League iyo Claudio Ranieri oo kooxda Leicester City kula guuleystay horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Simeone ayaa abaal-marintan ku muteystay in sanadkan uu kooxdiisa Los Rojiblancos ay ku jirtay tartanka horyaalka La Liga ilaa maalintii ugu dambeysay, sidoo kalena waxa uu gaarsiiyey final-ka Champions League.

Xilli ciyaareedkan ilaa iyo hadda kooxda Atletico ayaa gaartay wareegga 16-ka Champions League iyo Copa del Rey.

Dhinacaha abaal-marinta tababareyaasha sanadka ee IFFHS ayaa loo kala helay sidan:-

1- Diego Simeone: 113 dhibcood

2- Zinedine Zidane: 108

3- Claudio Ranieri: 86

4- Pep Guardiola: 62

5- Unai Emery: 38

6- Luis Enrique: 24

7- Jurgen Klopp: 16

8- Mauricio Pochettino: 15

9- Massimiliano Allegri: 6

10- Pitso Mosimane: 5

11- Arsene Wenger (Arsenal FC): 4

12- Leonardo Jardim (AS Monaco): 3

12- Laurent Blanc (Paris Saint-Germain): 3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close