Maxaa ka jira in Massimiliano Allegri uu katagayo Juventus dhamaadka xiliciyaareed kan?

هل يعيش أليجري موسمه الأخير مع يوفنتوس؟

(Torino) 27 Dis 2016 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri loobadinayo inuu ka tago kooxdiisa dhamaadka xiliciyaareed kan.

La Gazzetta dello Sport ayaa baahisay in xiliciyaareed kaan uu yahay kii ugu danbeeyay ee Massimiliano Allegri uu layliyo kooxda Juventus kadib markii ay isku dheceen maamulka kooxda.

Allegri ayaa la arkayay isaga oo ku qaylinaya isla markaana faraha ku taagaya maamulka kooxdiisa kadib guul daradii jimcihii ka soo gaartay kooxda AC.Milan.

Photo published for Bola.net: Zambrotta Puji Kinerja Allegri di Juve

Sida maamulka uu u maareeyo suuqa kala iibsiga ee janaayo iyo heerka kooxdu ay ka gaarto Champions League xiliciyaareed kan ayaa go’aamin doonta mustaqbalka Allegri ee Juventus.

Saxaafada ayaa durbaba Juventus la xiriirisay tababaraha kooxda Fiorentina ee Paulo Sousa, halka Allegri lala xiriiriyay kooxda Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close