Man City iyo Chelsea oo isku haysta saxiixa Steven N’Zonzi

(Manchester) 27 Dis 2016 Kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa ku dagaalamaya saxiixa laacibka kooxda Sevilla ee Steven N’Zonzi sida ay baahisay CalcioMercato.

Xiddigii hore ee Stoke City ayaa kamid ah ciyaartoyda qadka dhexe ee haatan ugu fiican horyaalka Spain, taas ayaana keentay in City iyo Chelsea ay isku garbiyaan saxiixiisa.

Shabakada ayaa intaa ku dartay in Sevilla ay diyaar u tahay in laacibkeeda ay ku fasaxdo aduun dhan 25.5 milyan oo Ginni.

Chelsea ayaa ku darsatay Steven N’Zonzi liiska ciyaartoyda qadka dhexe ee ay doonayso suuqa janaayo kadib markii ay iska iibisay Oscar.

Dhanka kale Manchester City ayaa ku soo biirtay loolanka saxiixa Steven N’Zonzi kadib markii kooxdu ay ogaatay in Gundogan uu maqnaan doono waqti dheer.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close