Leonardo Bonucci oo xaqiijiyay inuu ku fikiray ka fariisiga kubadda cagta (Ogoow Sababta)

(Torino) 27 Dis 2016 Daafaca kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci ayaa qirtay inuu ku fikiray ka fariisiga kubadda cagta kadib cudur halis ah oo soo wajahay cunugiisa.

Bonucci ayaa sheegay in mudo malamo ah uu ku fikirayay inuu ka fariisto kubadda cagta kadib markii uu xanuunsaday wiilkiisa Matteo.

Laakiin halyeeyga reer talyaani ayaa sheegay in wiilkiisu uu haatan soo kabsaday jir ahaan iyo maskax ahaanba kadib markii uu ka soo kacay xanuunkii haayay.

“Waa ay soo idlaatay cabsidii soo bilaabatay bishii July taas oo socotay mudo maalmo ah” ayuu u sheegay Bonucci La Repubblica.

“Marwalba waxaan Matteo ku dhahnaa, waxaad tahay halyeeygeena, waxaad ku guulaysatay ciyaartii ugu adkayd, markale ayuu bilaabay inuu la ciyaaro walaalkiisa, goor dhaw waa ay dagaalami doonaan”.

“Ugu danbayntii xaalkiisu waa mid wanaagsan jir ahaan iyo nafsad ahaanba”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close