Kieran Gibbs oo xiiso ka helaya mid kamid ah kooxaha ingiriiska

(London) 27 Dis 2016 Kooxda Crystal Palace ayaa xiisaynaysa saxiixa daafaca kooxda Arsenal ee Kieran Gibbs sida uu baahiyay wargayska The Sun.

Tababaraha cusub ee kooxda Crystal Palace Sam Allardyce ayaa doonaya in kooxdiisa uu ka xoojiyo dhanka daafaca bidix, wuxuuna diirada saartay daafaca Arsenal ee Kieran Gibbs.

Kieran Gibbs ayaa diirada u saarnaa Crystal Palace ka hor intii kooxdu aysan tababare u magacaabin Big Sam, qandaraaskiisa Arsenal ayaana dhacaya 18-bil kadib.

Photo published for Team news: Walcott and Gibbs latest

27 jirka reer ingiriis ayaan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa Arsenal, tababare Wenger ayaana ka doorbida intabadan daafaca reer Spain ee Monreal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close