Doon siday koox kubbada cagta ah oo ku quustay dalka Uganda…(Imisaa dhimatay?)+SAWIRRO

bad

(Uganda) 27 Dis 2016. Doon siday koox kubbada cagta ah iyo taageerayaasheeda ayaa ku quustay haro ku yaala dalka Uganda.

Ugu yaraan 9-ruux ayaa dhimatay halka 21-kalena la la’yahay kaddib Doon siday koox kubbada cagta iyo waliba taageerayaasheeda oo ku degtay haro ku yaal galbeedka Uganda oo lagu magacaabo Lake Albert.

45-ruux ayaa lagu saarnaa Doonidan yar, 15-baa soo bad-baaday, halka laga baqdi qabo inay dhimashadu gaarto ilaa sodomeeyo.

Kooxda ka timid xaafada Kaweibanda ee degmada Buliisa ayaa u socotay inay ka qeyb qaataan kulan saaxiibtinimo ay ku soo ciyaari lahaayeen Runga ee ku taala Hoima.

John Rutagira, ee ah taliye ciidanka Booliska ah ayaa sheegay in xamuulka laga badiyay doonida ay sabab u ahayd inay quusto maadaama biyaha ay ahaayeen kuwa dagan.

“Xamuulka ayay ka badiyeen.”. goob jooge ayaa sidaa u sheegay Booliska.

“Inta badan Rikaabka hal dhinac ayay doonida uga fariisteen, taa oo ka dhalatay inuu lumay isku dheeli tirnaanta.”.

SAWIRRO:

Survivors walk to shore after the death of up to 30 players and fans only around 100 metres from the coast on Lake Albert in Uganda

Up to 30 of the 45 people in the yellow boat are said to have drowned, on Lake Albert near the Democratic Republic of Congo and Uganda

Survivors are helped ashore following the Lake tragedy in Uganda

Boats line up on Lake Albert following the death of at least nine people

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close