DEG DEG: Kooxda Swansea City oo cayrisay tababare Bob Bradley

c0tj-yrwqaa5yky

(Swansea) 27 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Swansea City ayaa iska cayrisay tababaraheedii Bob Bradley, kaddib markii uu xilkaasi hayey wax ka yar saddex bilood, sida ay goordhow xaqiijisay kooxdu.

Bob Bradley ayaa xilka kooxda Swansea City hayey kaliya 85 maalmood, waxaana uu hoggaamiyey Swansea 11 kulan, isagoo guuldarro la kulmay 7 kulan.

“Swansea City waxa ay xaqiijin kartaa in kooxda laga cayriyey tababare Bob Bradley” ayey ku soo qortay kooxdu barteeda Twitter-ka.

Kooda Swansea City ayaa fadhisa kaalinta 19-aad ee Premier League, kaddib guuldarrooyin ay la kulantay xilli ciyaareedkan, waxaana ay haysataa kaliya 12 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close