Roberto Firmino oo seegi kara kulanka ay Liverpool la yeelaneyso Chelsea kaddib dacwad lagu soo oogay

ibra

(England) 26 Dis 2016. Dhaliyaha Liverpool Roberto Firmino ayaa dacwad lagu soo oogay kaddib markii uu kaxeeyay baabuurkiisa isagoo khamreysan.

Booliska Merseyside ayaa xaqiijiyay inay joojiyaan baabuurkiisa saacadaha hore ee subuxii sabtida wuxuuna wajihi doonaa maxkamad sanadka cusub ee 2017.

Roberto Firmino

“Booliska Merseyside ayaa waxay dacwad ku soo oogeen 25-jirka kaxeenayay isagoo khamreysan kaddib markii baabuurkiisa lagu joojiyay bartanka magaalada Liverpool saacadaha hore ee sabtida, December 24 2016,”. Sidaa aya lagu yiri warbixin.

Roberto Firmino ee ka yimid Liverpool wuxuu ka soo muuqan doonaa maxkamada Magistrates ee magaalada Liverpool 31-ka Janaayo.”.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka ay kooxdiisu la yeelan doonto Chelsea maadaama ay ku aadan tahay isla maalinka looga yeerayo maxkamadda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close