Mesut Ozil oo u ciyaaraya Arsenal kulankii 100-aad ee Premier League

(London) 26 Dis 2016 Kubadd abuuraha reer Jarmal ee Mesut Ozil ayaa caawa u ciyaaraya kooxdiisa Arsenal kulankiisii 100-aad ee Premier League.

Mesut Ozil ayaa haatan kooxdiisa u ciyaaraya kulankiisii 100-aad ee horyaalka ingiriiska, kulan Arsenal ay Emirates kula ciyaarayso kooxda West Brom.

Ozil ayaa u dhaliyay Arsenal 20 gool kadib 99 kulan oo uu u saftay horyaalka ingiriiska, wuxuuna caawiyay 35 gool, isaga oo sidoo kale abuuray 329 fursadood.

Kaliya Eric Cantona ayaa ka caawin badan Mesut Ozil 100-ka kulan ee ugu horeeya Premier League kaas oo caawiyay 39 gool, halka Ozil uu caawiyay 35 gool iyo wixii uu caawiyo kulanka haatan socda.

Mesut Ozil ayaa ku soo biiray Arsenal xaggaagii 2013 markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close