“Messi iyo Dybala wax badan ayay isaga eg yihiin.”.

mesi

(Argentina) 26 Dis 2016. Gonzalo Higuain ayaa ammaanay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Paulo Dybala isagoona la bar-bar dhigay laacibka 5-ta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ee Lionel Messi.

Da’yarka reer Argentina ayaa si dhaqsi leh ku noqday mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican tan iyo markii uu Juve ku soo biiray 2015 kolkaa uu ka yimid Palermo.

Higuain ee weerarka kaga ciyaara Marwada Duqda ayaa amaanay saaxiibkii isagoona aaminsan inuu raaci karo raadka Messi.

Related image

“Dybala iyo Messi wax badan ayay isaga eg yihiin. Messi waa kan ugu fiican markasta ayuuna muujiyaa midaa,” Higuain ayaa sidaa u sheegay Premium Sport.

“Paulo weli waa uu yar yahay, waa 23-jir waxa ayna ku xiran tahay waxa imaanaya mustaqbalka, wuxuu leeyahay dhammaan dabeecadaha uu ku noqon karo mid ka mid laacibiinta ugu fiican.

“Waxaa jiri doona faa’iidooyin iyo khasaarooyin badan waana inaad had iyo jeer aad dheeli tirnaataa aadna iska dhaga tirto dhaleeceymaha iyo ammaanta.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close