Lucas Vazquez oo kula taliyay James Rodriguez inuu iska joogo Real Madrid

Image result for Lucas Vazquez and James Rodriguez

(Madrid) 26 Dis 2016 Laacibka reer Spain ee Lucas Vazquez ayaa kula taliyay saaxiibkiis James Rodriguez inuu iska sii joogo kooxdiisa kadib markii lala xiriiriyay kooxaha ingiriiska.

James Rodriguez ayaa ka cabanaya boos la’aanta ka haysata kooxdiisa Real Madrid, wuxuuna shaki galiyay mustaqbalkiisa garoonka Bernabeu.

Lucas Vazquez ayaa sheegay in James uu yahay saaxiibkiis isla markaana uu rajaynayo inuu iska joogo kooxdiisa Real Madrid.

Image result for Lucas Vazquez and James Rodriguez

“James waa saaxiib igu qaali ah, waxaan rajaynayaa inuu sii joogo, waxaan u haayaa dareen wayn waayo waa laacib wayn” ayuu yiri Lucas Vazquez.

Laacibka reer Colombia ayaa si wayn loola xiriiriyay kooxda Chelsea oo la filayo inay u dhaqaaqdo saxiixiisa suuqa janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close