Liverpool oo ruxaneysa kaddib PSG oo labo-laabtay lacagaha ay ku dooneyso Coutinho

cou

(England) 26 Dis 2016. Maal qabeenada PSG ayaa diyaarinaya dalab 40-milyan ah ay ka soo gudbinayaan xiddiga reer Brazil ee naadiga Liverpool Philippe Coutinho marka uu suuqa furmo maalmo yar kaddib.

Kooxda reer France ayaa ku guul darreysatay dalab 22-milyan ah ay ka soo gudbisay Coutinho xagaagii la soo dhaafay, laakiin waxay diyaar u tahay inay labo laabto dalabka ay ku dooneyso 24-jirka.

Laacibkii hore ee Inter Milan ayaa garoomada ka maqan todobo usbuuc kaddib dhaawac ka gaaray canqowga, tababare Jurgen Klopp ayaana meesha ka saaray inuu dib ugu soo laabanayo garoomada kulanka ay la yeelanayaan Man City.

Jurgen Klopp Philippe Coutinho

Laakiin dhaawacan ma hakin doono PSG oo si kasta way u dhaqaaqi doontaa saxiixiisa, inkastoo ay tartan adag kala kulmi doonto kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich oo dhankooda ka doonaya.

Xiddigan farsamada badan, kaa oo Liverpool uga soo biiray Inter Milan afar sano ka hor, waa ciyaaryahan uu Klopp aad u doonayo inuu sii heysto, laakiin si gaar ahaaneed kooxda ka arrimisa Anfield waxay dareensan tahay inay u badan tahay inuu kooxda ka tagi doono xagaaga.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Coutinho ayaa tilmaamaya in saaxiibkiisa dhow ee Neymar uu u sheegay Barcelona in Coutino uu u furnaan doono inuu u soo dhaqaaqo Nou Camp, laakiin kooxda reer Spain waxay doonaysaa inay sugto ilaa uu ka dhammaanayo kal ciyaareedkan ka hor inta aysan u soo dhaqaaqin saxiixiisa.

sh

Coutinho uma badna inuu sugi doono ilaa xagaaga ka hor inta uusan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close