Barcelona oo dhibaato kala kulmaysa heshiis kordhinta Andres Iniesta

andres-iniesta

(Barcelona) 26 Dis 2016 Kooxda Barcelona ayaa dhibaato kala kulmaysa heshiis kordhinta laacibkeeda Andres Iniesta kaas oo qandaraaskiisu uu dhacayo 2018.

AS ayaa baahisay in kooxda Barcelona ay dhibaato kala kulmayso in Andres Iniesta ay ku qanciso inuu saxiixo heshiis cusub maadama kooxdu ay galayso dhibaato dhaqaale.

Barcelona ayaa xooga saaraysa in heshiis cusub ay ka saxiixdo laacibkeeda Lionel Messi kaas oo ay diyaar ulatahay mushaar dhan 35 milyan oo euro sanadkii oo aysan ku jirin canshuur.

Image result for Andres Iniesta and Messi

Kooxda reer Spain ayeeyna ku adkaan doontaa in Andres Iniesta ay siiso mushaar badan maadama dhaqaalaha kooxdu uusan taas saamaxayn xili Iniesta uu haatan yahay 32 jir.

Madaxwaynaha Barcelona ayaa ku rajo wayn in Andres Iniesta uu la sii joogi doono kooxda, wuxuuna meesha ka saaray walwalka laga qabo xiddiga reer Spain inuu katago kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close