Zlatan Ibrahimovic oo ku kacay fal uusan ku farxin Mourinho ka hor kulanka Sunderland

(Manchester) 25 Dis 2016 Weerar yahanka kooxda Manchester United ee Zlatan Ibrahimovic ayaa ku kacay fal uusan ku farxin tababarihiisa ka hor kulanka Sunderland.

Man United ayaa barri marti qaadi doonta kooxda Sunderland kulan ka tirsan kulamada Boxing day-ga ee horyaalka ingiriiska.

Zlatan Ibrahimovic ayaa bartiisa Instagram-ka ku baahiyay Video isaga oo dhex jiifay baraf xili uu watay kaliya dhar hoos gashi ah.

ESPN ayaa daaha ka qaaday in falka uu Zlatan Ibrahimovic ku kacay uu yahay mid uusan la dhici doonin tababare Jose Mourinho maadama ay taasi keeni karto in hergab uu ku dhaco laacibka ka hor kulanka Sunderland.

Xiddigaan ayaa muhiim u ah kooxdiisa xiliciyaareed kan kadib markii uu ka caawiyay guushii u danbaysay ee kooxdu ay ka gaartay West Brom.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close