Mourinho “Siduu Ibrahimovic uga tegay H/Faransiiska wuxuu noqday tartan furan oo la daawan karo”

c0f3i7juaaieysu

(Manchester), 25  Dis  2016    –Tababaraha kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska, Jose Mourinho ayaa aaminsan in ka tegitaankii Weeraryahan Zlatan Ibrahimovic ee kooxda Paris Saint-Germain uu faa’iido u ahaa dhammaan kooxaha kale ee Horyaalka Ligue 1 dalkaasi.

Mourinho waxa uu xusay in xilligii uu Zlatan joogay Faransiiska uu Horyaalka dalkaasi u xirnaa kooxda PSG oo qura oo ay adkeyd in lala tartamo, balse haatan Tartanka Ligue 1 ayuu sheegay in uu noqday loollan furan oo naadi walba uu damci karo.

Ibrahimovic ayaa PSG la qaaday 4 Horyaal Faransiis oo xiriir ah, hase yeeshee tan iyo markii uu ka tegay kooxda xilli ciyaareedkan ayaa waxaa PSG kaalinta 1-aad ee Ligue 1 ka xirtay kooxda Nice ee uu u dheelo Mario Balotelli.

“Marka hore dhammaan taageerayaasha kooxaha Faransiiska waa inay ku farxaan bixitaankii Ibrahimovic waayo hadda waxa uu noqday Horyaal kooxuhu wada tartami karaan, xilligii uu joogayse Horyaal kama jirin meeshaas” ayuu Mourinho u sheegay Kanaalka ‘SFR’ ee Faransiiska.

“markuu Ibra joogay PSG waxay ku guuleysanaysay wax walba, Horyaalka, Koobka Faransiiska, Super Cup-ka Faransiiska iyo wax walba, haatan waxa uu noqday Horyaal la wada daawan karo, aniga xitaa waxaan ka mid ahay dadka haatan daawada Ligue 1, waana xiiseeyaa, waayo waxaa jira Nice iyo Balotelli, Monaco oo uu joogo saaxiibkeey Leonardo Jardim (Tababaraha Monaco) iyo sidoo kale Paris, haatan waan daawadaa Horyaalka Faransiiska, waana inaad uga mahad celisaan Ibrahimovic tegitaankiisii” ayuu sii raaciyay Mourinho.

Zlatan ayaa haatan 16 gool u dhaliyay dhammaan tartammada kala duwan ee kooxda Man United tan iyo markii uu yimid xilli ciyaareedkan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close