Mohamed Salah oo sugaya in Yacine Brahimi uu kula soo biiro Roma

(Roma) 25 Dis 2016 Weerar yahanka kooxda Roma ee Mohamed Salah ayaa sugaya in kooxdiisu ay la soo wareegto weerar yahanka FC Porto ee Yacine Brahimi.
France Football ayaa daaha ka qaaday in kooxda Roma ay beegsanayso saxiixa weerar yahanka reer Algeria ee Yacine Brahimi suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.
26 jirkaan ayaan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa tan iyo bilowgii xiliciyaareed kan taas oo u fududaynaysa inuu u dhaqaaqo caasimada talyaaniga.
Roma ayeey ka go’antahay soo xerogalinta Yacine Brahimi inkasta oo xulkiisa Algeria uu kala qaybgalayo koobka qaramada qaarada Afrika oo bisha janaayo lagu qaban doono dalka Gabon.
Mohamed Salah ayaa sugaya in laacib kale oo reer carbeed uu kula soo biiro safka kooxdiisa Roma.
Gool FM