Lambarka laga yaabo inuu Victor Lindelof u qaato Man United oo daaha laga rogay

dd

(Manchester) 25 Dis 2016. Daacafa reer Sweden ee naadiga Benfica Victor Lindelof ayaa lagu wadaa inuu noqdo saxiixa ugu horreeya Jose Mourinho ee bisha Janaayo ay maalmo yar naga xigaan.

Manchester United ayaa la aaminsan yahay inay heshiiska daafacan ku soo gabo-gabeysay adduun dhan 38million oo bound sida ay warineyso Daily Star.

Lindelof wuxuu Benfica iyo xulkiisa Sweden u xirtaa No.14 oo lambarkaas ayuu ka helaa balse nasiib darro Man United waxaa u xirta da’yarkooda Jesse Lingard.

Victor Lindelof

Manchester United's Jesse Lingard celebrates scoring their fourth goal with Paul Pogba

Sidoo kale No.3 ayuu u soo xirtay Lambarkiisa, laakiin misna ma heli doono oo waxaa Man United u xirta Eric Baily.

Sidoo kale Lambarada dhaqan soo jireenka u ahaa Daacyada sida No.6 waxaa Red Devils u xirta Paul Pogba.

Sida darteed Lindelof ayaa lagu wadaa inuu Man United u xiran doono No.2., waana Lambar uu mar u soo xirtay xulka Sweden.

Victor Lindelof

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close