Juventus oo ka soo horjeesatay iibka Paulo Dybala kadib xiisihii uga yimid Real Madrid

dybala

(Torino) 25 Dis 2016 Kooxda Juventus ayaa ka soo hor jeesatay in weerar yahankeeda Paulo Dybala ay iibiso kadib xiisihii uga yimid kooxda Real Madrid.

Shabakada TuttoMercato ayaa daaha ka qaaday in Juventus aysan niyada ku hayn marnaba iibka weerar yahankooda reer Argentina ee Paulo Dybala.

Xiddigaan ayaa lala xiriiriyay kooxda Real Madrid laakiin Juventus ayaan diyaar u ahayn in Dybala ay marsiiso wadadii ay marsiisay Pogba oo suuqii xaggaaga ku biiray kooxda Manchester United.

dybala

Tababare Allegri ayaa u arka Paulo Dybala mustaqbalka kooxda Juventus, waxaana jira in laacibka qudhiisu uu doonayo inuu katago dhamaadka xiliciyaareed kan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Paulo Dybala uusan ka tagi doonin Juventus ilaa la gaaro 2018, markaas oo kooxdu ay filayso inay hesho badalkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close