Chelsea ayaa ku guuleysanaysa Premier League kal ciyaareedkan sida uu sheegayo Tiro-koobkan cusub ee la soo saaray

blu

(London) 25 Dis 2016. Chelsea ayaa hogaanka Premier League ku heysa 6-dhibcood, laakiin howshu ma dhawa wadaduna waa dheertahay sidaas ay tahay misane waxaa la leeyahay Blues ayaa ku guuleysanaysa Premier League kal ciyaareedkan sida uu sheegayo tiro-koob cusub oo la soo saaray.

Kooxda ka arrimisa Stamford Bridge afar jeer ayay taariikhda qabatay hogaanka Premier League waqtigan oo kale marka la joogo ciida gaalada ee Christmas.

Afartaas jeer ayaa kala ahaa xilli ciyaareedyadii 2004-05, 2005-06, 2009-10 iyo 2014-15, dhammaana iyadaa ku guuleysatay Premier League, haddaba maxaad filaneysaa sanadkan maadaama ay hogaanka heyso waqtiga ciida gaalada.

SmartBets ayaa soo saartay tiro-koobkan iyadoo ay Man United tahay kooxa ugu badan ee qabata hogaanka horyaalka Ingiriiska waqtiga Christmas ka oo waxay qabatay 7-jeer oo 5-jeer oo ka mid ah way ku guuleysatay horyaalka.

Chelsea have won the Premier League every time they have been top at Christmas

Chelsea 4-ta jeer ay qabatay way ku wada guuleysatay, halka Arsenal ay qabatay 2-jeer oo qura marna kuma guuleysan.

Chelsea's history of being top at Christmas makes for remarkable reading

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close