Zlatan Ibrahimovic oo AC Milan ugu soo hambalyeeyay Supercoppa oo ay xalay ka qaadeen Juventus

(Manchester) 24 Dis 2016. Zlatan Ibrahimovic ayaa hambalyo u soo diray kooxdiisii hore ee AC Milan kaddib markii ay xalay Supercoppa ka qaadeen kooxda Juventus.
Kulanka ayaa waqtigii loogu tala galay ku idlaaday 1-1, Milan ayaana rigoorayaal ku qaaday koobka kaddib markii uu goolhaye Gianluigi Donnarumma uu rigooro ka qabtay Paulo Dybala.
Mario Pasalic oo amaah uga yimid Chelsea ayaa rigooradii guusha u ansixiyay kooxdiisa.
Maamulaha guud ee naadiga AC Milan Adriano Galliani ayaa daaha ka rogay in Ibra uu ciyaarta kaddib ku yiri: “Hambayo, forza Milan!.”.
Gool FM.