Sam Allardyce oo noqday tababarihii ugu horreeyey ee Premier League…

sam

(London) 24 Dis 2016 – Kooxda Crystal Palace ayaa xaqiijisay dhowaan in Sam Allardyce ay ka dhigatay tababareheeda cusub, waxaana ay ka saxiixatay heshiis labo sanadood iyo bar ah, isagoo bedel u noqday macallinkii ay iska cayrisay kooxdaas ee Alan Pardew.

62-sano jirkaan ayaa si rasmi ah ula wareegay shaqada kooxdiisa cusub ee Crystal Palace, waxaana kulankiisa ugu horreeya uu hor kici doontaa Palace kulanka ay maalinta Boxing Day-ga la ciyaari doonaan naadiga Watford.

Haddaba Sam Allardyce ayaa sidaasi RIKOODH cusub ku sameeyey isagoo noqday tababarihii ugu horreeyey ee 6 kooxood oo kala duwan ku layliya Premier League.

Kooxaha uu Premier League ku layliyey Sam Allardyce halkaan hoose ka eeg:-

Bolton ✔

Newcastle ✔

Blackburn ✔

West Ham ✔

Sunderland ✔

Crystal Palace ✔

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close