Lambarka Julian Draxler uu u xiran doono PSG oo la shaaciyay

(Paris) 24 Dis 2016 Kooxda reer France ee PSG ayaa tilaabo u jirta shaacinta saxiixa laacibka kooxda Wolfsburg ee Julian Draxler sida ay baahisay Bild.

Wargayska reer Jarmal ayaa shaaciyay sawir qarsoodi ah kaas oo cadaynaya in Julian Draxler uu si rasmi ah ugu biiray kooxda PSG.

Sawirka waxaa ka soo muuqday Julian Draxler iyo agaasimaha dhanka ciyaaraha ee PSG Patrick Kluivert, 23 jirka reer Jarmal ayaana doortay xirashada lambarka 23.

PSG iyo Wolfsburg ayaa isku afgartay aduun dhan 42 milyan oo euro oo Julian Draxler uu ugu biirayo kooxda macalin Unai Emery suuqa janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close