Juventus oo ka hadashay dhaawaca Alex Sandro

(Torino) 24 Dis 2016 Kooxda Juventus ayaa ka hadashay dhaawaca daafacooda reer Brazil ee Alex Sandro kaas oo ku dhaawacmay kulankii xalay.

Alex Sandro ayaa dhaawac uga baxay qaybtii hore ee kulankii xalay ay guul daradu ka soo gaartay kooxdiisa kooxda AC.Milan oo gool ku laad uga adkaatay.

Football Italia ayaa baahisay in 25 jirkaan uu garoomada ka maqnaan doono mudo dhan 2 ilaa 3-isbuuc kadib dhaawac xalay ka soo gaaray dhanka muruqa.

“Kadib markii uu ka baxay garoonka qaybtii hore ee kulankii Jimcaha ee Final-ka Super Cup-ka, baaritaankii ugu horeeyay ee lagu sameeyay Alex Sandro ayaa lagu ogaaday inuu dhaawac ka qabo muruqa bowdada midig” ayaa lagu yiri war ka soo baxay kooxda Juventus.

“La socoshada xaalada daafaca reer Brazil waa mid sii socon doonta maalmaha nagu soo aadan” ayaa lagu daray warbixinta dhaawaca laacibka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close