Bayern Munich oo u muuqata mid Chelsea uga adkaatay saxiixa Niklas Sule

Image result for Niklas Sule

(Munich) 24 Dis 2016 Kooxda Bayern Munich ee dalka jarmalka ayaa u muuqata mid Chelsea uga adkaatay saxiixa Niklas Sule sida ay baahisay Bild.

21 jirkaan daafaca uga ciyaara kooxda Hoffenheim ee Niklas Sule ayaa diirada u saaran kooxo ay hormuud u yihiin Chelsea iyo Bayern Munich.

Laakiin kooxda Bayern Munich ayaa la sheegay inay Hoffenheim kala heshiisay iibka daafacaan da’yarka ah taas oo meesha ka saaraysa xiisihii Chelsea.

Image result for Niklas Sule

Wararka ayaa intaa ku daraya in heshiiska dhexmaray Bayern Munich iyo Hoffenheim uu yahay mid hirgalaya dhamaadka xiliciyaareed kan, markaas oo Niklas Sule uu si rasmi ah ugu biiri doono kooxda macalin Ancelotti.

Chelsea ayaa qorshaynaysay inay dalab rasmi ah ka gudbiso Niklas Sule suuqa janaayo laakiin rajadooda ayaa u muuqata mid soo idlaatay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close