Wenger oo xaqiijiyay in Danny Welbeck uu dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Arsenal

Danny Welbeck lays injured during the match between Manchester City and Arsenal at the Etihad Stadium on May 8, 2016

(London) 23 Dis 2016 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in weerar yahankiisa Danny Welbeck uu dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda.

Laacib kaan reer ingiriis ayaa mudo dheer ka maqnaa garoomada kadib dhaawac ka soo gaaray jilibka midig, waxaana muuqanaysa inuu ka soo hormaray waqtigii la qorsheeyay soo laabashadiisa.

Isaga iyo Ramsey ayuu sheegay tababare Wenger inay dib ugu soo laabanayaan tababarka buuxa ee kooxdu ay isugu diyaarinayso kulanka West Brom ee 26-ka bishaan.

“Welbeck? Wuxuu dib ugu soo laabanayaa tababarka maanta taas oo ah war wanaagsan” ayuu yiri tababare Wenger ka hor kulanka West Brom.

“Wuxuu u baahanyahay xoogaa waqti ah, maanta waa maalintii ugu horaysay ee uu ku soo biiro tababarka kooxda, sidaas darteed waan taxadarayaa waayo jug ayaa ku dhici karta maadama uu maqnaa waqti dheer”.

Aaron Ramsey ayeey suurogaltahay inuu ka hortago West Brom balse Alex Oxlade-Chamberlain iyo Shodkran Mustafi ayaa ka maqnaan doona kulankaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close