“Waxaan doonaynaa inaan ka daba dhawaano Juventus” – Luciano Spalletti

(Roma) 23 Dis 2016 Tababaraha kooxda Roma ee Luciano Spalletti ayaa ka hadlay guushii xalay kooxdiisu ay ka gaartay kooxda Chievo oo marti u ahayd.

Roma ayaa xalay 4-dhibic u soo jirsatay kooxda ku jirta booska koowaad ee Juventus oo kulan uu baaqi u yahay maadama caawa ay la ciyaari doonto AC.Milan Finalka Super Cup-ka talyaaniga.

Luciano Spalletti ayaa sheegay in kooxdiisu ay gaartay guul ay u qalantay kadib markii ay 3-gool ku badashay gool looga hormaray bilowgii ciyaarta.

“Waxaan gaarnay guul aan u qalanay, kooxduna diyaar ayeey ahayd tan iyo daqiiqadii ugu horaysay ee ciyaarta” ayuu yiri dhamaadkii ciyaarta.

“Yaanaan hilmaamin in Juventus ay tahay koox jabisa rikoorada, waa kooxdii horyaalka 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaan doonaynaa inaan kadaba dhawaano”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close