RASMI: Chelsea oo Oscar ka iibisay kooxda Shanghai

(London) 23 Dis 2016 Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay in laacibkeeda reer Brazil ee Oscar uu ku biiri doono kooxda horyaalka shiinaha ee Shanghai.

Blues ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay kooxda Shanghai kaas oo ku aadan in 25 jirka reer Brazil uu ku biiri doono bilowga bisha janaayo.

Chelsea iyo Shanghai ayaa la sheegay inay isku afgarteen qiimo u dhexeeya 52 ilaa 60 milyan oo Ginni, taas oo fursad u siinaysa Blues inay u dhaqaaqdo James Rodriguez.

Oscar ayaa ku qaatay garoonka Stamford Bridge 4 sano iyo bar, wuxuuna kula guulaystay Premier League, League Cup iyo Europa League kooxdiisa Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close