Oscar oo ku biiray liiska xiddigaha ugu qaalisan ee laga iibsado horyaalka Premier League

c0wraauwqaa1-jt

(London) 23 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay maanta in laacibkeeda reer Brazil ee Oscar ay ka iibisay kooxda horyaalka shiinaha ee Shanghai.

Blues ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay kooxda Shanghai kaas oo ku aaddan in 25-sano jirka reer Brazil uu ku biiri doono bilowga bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Kooxaha Chelsea iyo Shanghai ayaa la sheegay inay isku afgarteen qiimo dhan 60 milyan oo gini, waxaana Osar uu sidaasi ugu biiray liiska xiddigaha ugu qaalisan ee laga iibsado horyaalka Ingiriiska.

Oscar dos Santos Emboaba Júnior ayaa noqday xiddiga afaraad ee ugu qaalisan ee laga iibsado Premier League, waxaana ka sarreeya Gareth Bale oo 85.3 milyan oo gini ay Real Madrid uga iibsatay Tottenham, Ronaldo oo sidoo kale Real Madrid uga soo qaadatay Man United 80 Milyan oo gini iyo Luis Suarez oo Barcelona ay Liverpool uga soo kaxaysatay adduun dhan  64.98 milyan oo gini.

c0wmkhdwqaajvcn

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close