Muxuu ka yiri Conte maqnaashaha Costa iyo Kante ee kulanka Bournemouth?

Image result for Diego Costa and N'Golo Kante

(London) 23 Dis 2016 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ka hadlay maqnaashaha qaar kamid ah ciyaartoydiisa muhiimka ah ee kulanka Bournemouth.

Chelsea oo aan dhinaceeda dhulka la dhigin 11-kii kulan ee ugu danbeeyay ayaa marti qaadi doonta Boxing Day-ga kooxda Bournemouth.

Weerar yahanka reer Spain ee Diego Costa iyo N’Golo Kante ayaa ganaax uga maqnaan doona kooxda Chelsea kulankaas muhiimka ah.

كونتي: تراكم البطاقات فرصة لاختبار تشيلسي

“Waxaan haystaa shax fiican oo isiinaysa inaan helo xal, Diego Costa waa laacib muhiim noo ah laakiin waxaan ka shaqaynaynaa sidii aan xal ugu heli lahayn maqnaashihiisa kulanka soo socda” ayuu yiri tababare Conte.

“Maqnaashaha Diego Costa iyo N’Golo Kante waa mid noo ah tijaabo dhab ah waayo waxaan ciyaaraynaa kulankaas xili ay naga maqanyihiin laba kamid ah ciyaartoydeena muhiimka ah”.

“Waxaa muhiim ah in tijaabadaas aan ku qiimayno xaalada kooxda isla markaana waa inaan fursad siinaa qaar kamid ah ciyaartoyda kuwaas oo aan horay u helin fursad buuxda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close