Mourinho oo si cad u sheegay in Morgan Schneiderlin uu katagi karo Man United

(Manchester) 23 Dis 2016 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si aan ganbasho lahayn u sheegay in Morgan Schneiderlin uu katagi karo kooxda suuqa janaayo.

27 jirkaan reer France ayaa diirada u saaran kooxaha West Brom iyo Everton, kadib markii uu boos joogto ah ka waayay shaxda tababare Mourinho.

Mourinho ayaa sheegay in haddii kooxdiisa loo soo gudbiyo dalab macquul ah ay san hor istaagi doonin in Morgan Schneiderlin uu baxo suuqa janaayo.

Photo published for Morgan Schneiderlin asks to leave Manchester United - Jose Mourinho

Jose ayaa la waydiiyay in Schneiderlin uu doonayo inuu katago United wuxuuna ku jawaabay:

“Haa, kooxo badan ayuu u furay qalbigiisa, waa xirfadle wayn, waa wiil cajiib ah, haddii uu si joogto ah u ciyaaro waxaan haysan lahaa wado aan ku iraahdo ma baxaysid”.

“Laakiin haddii uusan u ciyaarayn si joogto ah xaq uma lihi inaan iraahdo ma jirto meel aad aadayso, haddii dalabku uu yahay mid macquul ah isla markaana maamulku uu u arko in dalabku uu fiicanyahay, kama hor istaagi doono inuu baxo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close