Isku aadka wareega 16-ka ee Copa del Rey oo la sameeyay (Barcelona iyo Real Madrid oo …)

(Madrid) 23 Dis 2016 Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa sameeyay isku aadka wareega 16-ka ee koobka boqorka Spain, waxaana lakala ilaaliyay kooxaha ugu awooda badan Spain.

Real Madrid ayaa qoorta loo suray kooxda Sevilla, halka Barcelona ay ku aaday kooxda Athletic Bilbao, Atletico Madrid ayaa ku aaday Las Palmas.

Kulamada lugta hore ee wareega 16-ka ee koobka boqorka Spain ayaa la ciyaari doonaa 4-Janaayo, kulamada lugta labaad ayaana la ciyaari doonaa 11-Janaayo.

Isku Aadka oo Dhamaystiran:

– Las Palmas vs Atletico Madrid.

– Alcorcon vs Cordoba.

– Athletic Bilbao vs Barcelona.

– Real Madrid vs Sevilla.

– Real Sociedad vs Villarreal.

– Deportivo de la Coruna vs Alaves.

– Valencia vs Celta Vigo.

– Eibar vs Osasuna.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close