Arsenal oo silama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa goolhayaha Sunderland ee Jordan Pickford

Arsenal make surprise approach to steal Premier League side's top star in January

(London) 23 Dis 2016 Arsenal ayaa xiriir ku aadan saxiixa goolhaye Jordan Pickford la samaysay kooxda Sunderland si ay ula wareegto suuqa kala iibsiga ee janaayo.

Sida ay baahisay Evening Standard, Arsenal ayeey ka go’antahay soo xerogalinta goolhayaha 22 jirka ah ee kooxda Sunderland Jordan Pickford bisha janaayo.

Qorshaha Gunners ayaana ah in goolhayuhu uu kadib amaah ugu sii joogo kooxdiisa inta ka harsan xiliciyaareed kaan sida lagu sheegay warbixinta.

Arsenal make surprise approach to steal Premier League side's top star in January

Tababare David Moyes ayaa sheegay in kooxdiisu aysan qorshaynayn inay samayso saxiixyo cusub suuqa kala iibsiga ee janaayo, wuxuuna niyad jab ka muujiyay sii haysashada Jordan Pickford.

Hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedka Petr Cech oo 34 jir ah iyo Ospina oo aan la hubin mustaqbalkiisa ayaa ku riixaysa Arsenal inay la soo wareegto Jordan Pickford.

Waxaa la fahansanyahay in Arsenal aysan ku heli doonin Jordan Pickford qiimo hooseeya maadama ay xiisaynayaan kooxo ay ka midyihiin Tottenham, Man City iyo Everton.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close