AC Milan oo ku guulaysatay Super Cup-ka talyaaniga kadib markii ay garaacday Juventus + Sawirro

(Doha) 23 Dis 2016 Kooxda AC.Milan ayaa ku guulaysatay Super Cup-ka talyaaniga ee sanadkaan 2016, kadib markii ay gool ku laad uga adkaatay dhigeeda Juventus, kulan ka dhacay caasimada Qatar ee Doha.

Labada kooxood ayaa ku bilowday si dar dar leh bilowgii ciyaarta, Giorgio Chiellini ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 18-aad kadib markii uu shuud xoogan dabamariyay goolhaye Donnarumma, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Ciyaartoyda Milan ayaa kadib isku dayay inay soo barbareeyaan natiijada ciyaarta, 38 daqiiqo Bonaventura ayaa madax ugu soo barbareeyay kooxdiisa Milan, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-1.

Qaybtii dambe labada kooxood ayaa isku cunay fursado dhawr ah oo ay waxbadan uga badali kareen natiijada ciyaarta, balse 90-kii daqiiqo ayaa ku soo idlaatay 1-1.

Sida sharciga ah maadama kulanku uu yahay Final, waxaa lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah, laakiin taasi wax kama badalin natiijada ciyaarta.

Ugu danbayntiina AC.Milan ayaa gool ku laad 3-4 ah ku qaaday koobka Super Cup-ka talyaaniga ee sanadkaan 2016.

b19 b7 b5 b4 b3 b2 b1 b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close