SERIE A: Roma oo rafaadisay kooxda ChievoVerona iyo kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka Talyaaniga… + SAWIRRO

(Rome) 23 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Roma ayaa 3-1 ku saxariirisay kooxda ChievoVerona oo marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka Serie A ee waddanka Talyaaniga.

Roma ayaa goolka looga naxsaday qeybtii hore ee ciyaarta waxaana 37’daqiiqo madax ugu shubay xiddiga ChievoVerona ee Jonathan De Guzman, kaddib karoos uu ka helay Mariano Julio Izco, Roma ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Inta aan la aadin qeybta nasashada Roma ayaa goolkaas iska soo guday waxaana 45’daqiiqo laad xor ah oo toos ah (free kick) ugu barbareeyey Stephan El Shaarawy kulankan ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee dheesha kooxda Roma ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaa 52’daqiiqo goolka labaad u dhaliyey Edin Dzeko kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1 looga gacan sarreeyey ChievoVerona.

Dhammaadkii ciyaarta intii lagu guda jiray daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu kordhiyey dheesha Roma ayaa heshay goolka saddexaad waxaana uu ahaa rigoore loo dhigay kaddib markii uu Filippo Costa uu qalad ku galay Diego Perotti oo ku jira xerada ganaaxa, iyadoo uu rigooradaas gool u rogay Diego Perotti, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-1 ay Roma uga adkaatay ChievoVerona.

Roma ayaa sidaas ku saldhigatay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Serie A, iyadoo leh 38-dhibcood, 18 kulan oo ay ciyaartay.

Kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka Serie A:-

Cagliari 4 – 3 Sassuolo

Fiorentina 3 – 3 SSC Napoli

Sampdoria 0 – 0 Udinese

Torino 1 – 0 Genoa

Palermo 1 – 1 Pescara

SAWIRRO:

c0t_ddgveaajnjw

c0t7w2xxcaaon7t

c0uahjhuaaa5-un

c0uajc_ucaafdm7

c0uanmkuaaa0sx9

c0uapzvvqaascdn

c0uc5wmwgaaetwz

c0uc5yiwiae0ctw

c0uc5yjxcaanqt

c0uc5ynwiaamoqs

c0ukg8oweaayqo3

c0uf_wlvqaaxpid

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close